October 7, 2025

Dagaalo ka dhacay Deegaanka Ceeldheere ee Degmada Adenyabaal Iyo ALShabaab lagu xasuuqay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Ceeldheere Oo Ka Tirsan  Degmada Adenyabaal ee G/Sh/Dhexe.

Duqeymaha ayaa yimid ka dib markii dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo AS uu ka dhacay deegaankan Ceeldheere, Waxaana ka soo baxaya  warar kala duwan .

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Dagaal ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen AS oo ku taalla deegaanka Ceeldheere.

Sidoo kale Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeymaha iyo dagaalka is barbar socday, welina dowladda Soomaaliya kama hadlin.

Dhanka kale Maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka howlgallo ka wadeen gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*