October 7, 2025

Dagaalka Ceelbaraf Oo isku Bedelay Dagaal Siyaasadeed Iyo Macaawiisleeydii Oo Goaan Qaadatay

Sida aan ognahay maalmahaan Degmada Ceelbaraf Iyo Nawaaxigeeda waxaa ka taagnaa xiisado siyaasadeed oo is diidan. Laba maamlin ka hore waxaa si toos ah ula wareegay Maleeshiyada Alshabaab degaanada Ceelbaraf .Califooldhoore Iyo Caadleey. Inkastoo ay tageen Degmada Mirtaqwe Balse kuma sii nagaan balse Hada Waxaa ku sugan Ciidamada Dowlada Somaliya Iyo Kuwa Macaawiisleeyda Deegaanka.

Maxaa dhacay oo aadan ogeeyn.?

Tan iyo markii laga xureeyay alshabaab deegaanada ka tirsan G/sh/dhexe Iyo Hiiraan ayaa la bilaabay in la isku diro shacabka Deriska ah ee abgaal iyo Xawaadle waxaana ka shaqeeyn jiray arrimahaasi Maamulka uu fadhigiisa Yahay Jowhar. Waxaana loo adeegsan jiray Taliyayaal Ciidan Iyo Guddomiye degmo.Iyo Ganacsato ka soo jeedo deegaanka Ceelbaraf Iyo Jalalaqsi.

Goormuu soo bilawday Fashilka Kooxdaani ka shaqeeysa isku dirka Beelaha Walaalaha ah?

Dhamaadkii sanadka 2024 ayaa duleedka degmada ceelbaraf lagu dilay Ciidamo ka tirsan Xooga dalka somaliyeed waxaana lagu shaabadeeyay dadka deegaanka Iyo Maamulkii degmada Ceelbaraf Iyo odayaalkii dhaqanka ugu danbeeyntii waxaa la soo xir xiray Dad aan shaqo ku laheeyn .

Hase ahaate ayadoo aan maxkamad la soo taagin ayaa la soo daayay kadib markii ay dowlada Federalka ay heshay Xaqiiqda Iyo sida ay wax u dhaceen iyo Kooxdii ka danbeeysay Arrinkii Foosha Xumaa. 

Maxay ula dagaali waayeen Al-shabaab Ciidamada macaawiisleeyda Ceelbaraf, Caadleey miirtaqe. cali fooldheere.biyacade,laba garas.mahadaay?

Waxaa Jiro Gaabis xoogan oo ka imaanayay Dowlada Federalka Somaliya kaasi oo ahaa in aan la taakuleeyn Ciidamada Macaawiisleeyda ee ka soo jeeda Deegaanadaan Ceelebaraf. Caadleey Miirtaqwe ,Biyo Cade. Mahadaay, laba.garas, Cali fooldheere .Sida Hubka Iyo Saanadaha ay u baahan yihiin.

is jiidjiidka ka dhaxeeya ciidamada Macaawiisleeyda Iyo Hirshabelle

Ciidanka Macaawiisleeyda ayaa iska Diiday in ay dagaal la galaan Ciidanka Hir-shabelle maadaama aysan ku kalsooneen Ciidankaasi ayagoo shaki weeyn ka muujiyayCiidanka Iyo Maamulka Hirshabelle.

Dhanka Kale Ciidamada Macaawiisleeyda Iyo Odoyaasha Dhaqankooda ayaa Yiri”Sedex sano Ku dhawaad ayaan difaac ku jirnay Cidna nama Taakuleeyn balse markii aan ogaanay in dowlada Madaxweyne xasan Sheeq uu dagaal Hose nagu haayo . ayaan goaano qaadanay waana isaga soo baxnay Difaaca.

Sidoo kale Waxa aan ogaanay Dhibaatada nalagu Hayo in ay Tahay  waxa ay isku Heeyb hoose yihiin Ex madaxweeyne Shiikh shariif .

Maxaa ka jiro In madaxweeyne Xasan uu dagaal Hoose Kula Jiro Qabaailka degan Deegaanada Ceelbaraf.Miirtaqe Caadleey Labagaras Mahadaay Cali fooldheere Caadleey Iyo Ceeldheere.?

Ilo xod ogaal ah ayaa tilmaamayo in madaxweeyne Xasan uu ka soo horjeedo in hubka la siiyo qabaailkaan asigoo ku riixaya in ay isku beel hoose yihiin Ninka ay sida weeyn isku hayaan siyaasada Dalka ex madaxweeyne shariif.

Sidoo kale cadeeymaha waxaa ka mid ah waxa uu sitoos ah hubka u siiyay iyo taageero xoogan u muujiya qabiilka xawaadlaha maadaama aysan isku heeysan siyaasada guud ee dalka .

Dhanka kale Sida aan Xogta ku helanay ayaa sheegaya in ay jiraanDhibaatooyin Xoogan Sida  ragii u soo halgamay Deegaanadaani in ay alshabaan ka saaraan  uu telfanka ka dansaday Sida Halgaamaa C/LAAHI MACALIM MUKHTAR IYO CALI XASAN TAKOW.

Waa nasiib daro weeyn in madaxweyne Xasan sheekh uu dhageeysto kuwa aan dalka iyo dadka u adeegin.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*