January 15, 2026

Dagaal Xoogan oo markale dib uga qarxay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in  uu halkaasi uu dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ku loolamaya gacan ku heynta magaaladaas.

Dagaalkaan ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo si rasmi ah uga socda gudaha iyo daafaha degmada Baladxaawo. 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalka maanta uu aad uga culus yahay kuwii hore, islamarkaana dhinacyadu ay isku adeegsanayaan hubka culus oo uu ka mid yahay hoobiyaha.

Lama oga khasaaraha ah rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka socda gudaha  magaalada Beledxaawo, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Beledxaawo. 

Dagaalkaan ka socda Beledxaawo ayaa noqonaya kii afaraad oo halkaas labada dhinac ku dhexmara mudo 10 maalmood gudahood ah, waxaana ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed. 

Ugu dambeyntii majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaalka maanta markale halkaasi dib uga qarxay

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*