
Wararka laga Helayo Degmada Masaajid Cali Gaduud ayaa sheeya In Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay xalay Iyo Saakay ay weerar qorsheysan ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Towfiiq, oo hoostaga magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa sababay khasaare culus oo la gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo fariisamo muhiim ah oo ay halkaasi ku lahaayeen la burburiyay.
Sidoo kale, duqeymo ayaa lagu garaacay deegaankan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad badan.
Dhanka kale Sheekh Cali Muuse, oo ka mid ah culimada deegaanka Nuur Dugle kana qeyb galay gurmadka, ayaa u sheegay n kooxda Al-Shabaab lagu jabiyay weerarka, islamarkaana dhaq-dhaqaaqyo amni ay saaka ka socdaan deegaanno dhowr ah oo ku teedsan aagga la weeraray.
Si kastaba ha ahaatee Ciidanka Macaawiisleeyda ayaa wacad ku maray in ay ka sifeeyn doonaan deeganadooda alshabaab marna aysan ogolaan doonin adoonsiga ka socda deegaanada qaar ee G/SH/DHEXE-
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag