October 7, 2025

Dagaal Khasaare geeystay oo Ciidamada Dowladda, Koonfur Galbeed Oo Dhinac ah iyo Al shabaab ku dhexmaray Gobolka Bay

Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay duleedka magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka, kuwa Koofur Galbeed, iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka bilowday weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ku lahaayeen banaanka magaalada, balse ciidamada huwanta ah ayaa sheegay in ay ka hortageen weerarka, islamarkaana ku qasbeen kooxda in ay dib u gurtaan.

Goobjoogayaal ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku socday muddo saacado ah, isla markaana uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, oo gaaray dhinacyada dagaallamayay iyo sidoo kale dad rayid ah oo ku sugnaa meelaha u dhow goobta lagu diriray.

Waxaa dagaalkaas ku dhintay Taliye ku xigeenkii ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed ee Buurhakaba, Kabtan Aadan Kaarabiin, Geerida taliyaha ayaa si weyn uga nixiyay saraakiisha iyo shacabka deegaanka, iyadoo ehelkiisu ay xaqiijiyeen in meydkiisa loo qaaday isbitaalka magaalada.

Dhanka kale Isbitaalka guud ee Buurhakaba ayaa la dhigay dhaawacyo badan oo ay ka mid yihiin askar iyo dad rayid ah, iyadoo xaaladda caafimaad ee qaar ka mid ah dhaawacyada lagu sheegay mid culus.

Dhinaca kale Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo laga dareemayo cabsi iyo feejignaan, iyadoo dad badan ay ka barakaceen xaafadaha ku dhow saldhigyadii la weeraray, Ciidamada ammaanka ayaa wali howlgallo ka wada gudaha iyo duleedka Buurhakaba.

Ugu danbeeytii Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed ama dowladda federaalka oo si faahfaahsan uga hadlay dhacdadan, balse saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay “ka adkaadeen” kooxdii weerarka soo qaaday.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*