October 7, 2025

Dagaal culus oo ka socda Khartuum iyo Xaalada Oo Ku Xun Jabhada Sudaan

Ciidanka dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF, kuwaa oo hadda u muuqda kuwa sii jabaya.

Dagaal culus oo ay barbar socdaan duqeymo cir iyo dhul ayey milatariga Sudaan ku qaadeen xeryaha iyo goobaha ay magaalada Khartuum ka joogaan ciidanka RSF, waxa ay sidoo kale milatariga go’doomiyeen ciidamada RSF ee ku sugan qeybo kamid ah caasimadda Sudaan.

Sidoo kale Ciidanka milatariga Suudaan , ayaa la warinataa in ay hadda ku ku dhow yihiin in ay xoog ku galaan dhismaha madaxtooyadda Suudaan oo ah saldhigga ugu muhiimsan ee kooxda RSF ay ku lahayd caasimadda Suudaan ee Khartuum .

Weerarkan xalay bilowday ee  milatariga Sudan ku qaadeen kooxda RSF ayaa u muuqda mid lagu  cirib-tirayo loogana takhalusayo xubin kasta oo ka tirsan RSF, sababtoo ah milatariga Suudaan waxay ka hortagayaan iskuday kasta oo ciidanka RSF ay uga bixi karaan Khartuum.

Dhanka kale Milatariga Sudan oo taageero dhinacyo badan ka helaya ayaa la wareegay qeybo badan oo kamid ah dalka Sudan, waxaana hadda sii jabaya oo deegaanno badan gacantooda laga saaray kooxda RSF oo lumisay taageero ay dhinacyo kala duwan ka heli jireen.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*