
Wararka laga Helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu mar kale ka qarxay deegaanka Meersiis oo hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaalkaan ayaa u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Guriceel iyo Ceelbuur, kuwaasoo muddooyinkii dambe isku hayay arrimo la xiriira muranno dhuleed iyo ismaandhaafyo la xariira saami qeybsiga kheyraadka deegaanka.
Sidoo kale dagaalka ayaa salka ku haya, kadib markii dhawaan naleeshiyaad ka soo jeedo magaalada Ceelbuur ay dad rayid ah ku dileen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Goob-joogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in la maqlayo dhawaqa rasaas culus iyo hubka waaweyn, iyadoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.
Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku ku faafo deegaanno hor leh.
Dhanka kale Mas’uuliyiinta maamulka gobolka weli kama aysan hadlin xaaladda, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dadaallo nabadeed hore loogu jiray uu fashilmay, taasoo keentay in colaadda dib u qaraxdo maanta.
Dagaallada sidan oo kale ah ayaa horay uga dhacay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaasoo saameyn xun ku yeeshay nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku socodka dadka shacabka ah.
Si kastaba Ha ahaatee Waxaa Nasiib daro ah in maanta la isku dilayo dagaal qabiil ayadoo uu dalka iyo dadka ay dhibaato ku hayaan maleeshiyada alshabaab waxa aad moodaa in doorka dowladnimada uu meeqa ka maqan yahay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag