November 21, 2025

Dad shacab ahaa Oo Goordhaw Aano Qabiil Loogu Dilay Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay goordhaw ku dileen halkaas laba nin oo shacab ahaa.

Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa la sheegay iney kasoo jeedaan deegaan ahaan degmada Cabudwaaq, waxaana dilka uu yahay mid la xariira aargoosi aano qabiil ah.

Sidoo kale Dableyda hubeysan ee fulisay dilka dadkaan shacabka ahaa ayaa si deg deg ah goobta isaga baxsaday, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemaya deegaanka Huurshe iyo deegaanada ku dhadhaw.

Dilka labadaan ruux ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhacdooyinka la xirira dilalka aanoyinka qabiilka ah ay Todobaadyadii lasoo dhaafay kusoo kordhayeen deegaanada maamulka Galmudug kuwaas oo ilaa iyo hada aanan loo helin wax xal ah.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud aano qabiil darteed loogu dilay hooyo 80 sano jir aheyd, islamarkaana la dhaawacay wiilkeedii.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*