October 7, 2025

Dableey hubeysan oo saaka weerar ku qaaday Saldhiga ciidanka Puntland ee Boosaaso.

Sida ay wararka sheegayaan Kooxo hubaysan ayaa saakay Subaxii hore weerar culus ku qaaday saldhigga bartamaha Boosaaso, Waxaana la sheegayaa in ay Xabado culus  ay dhinacyadu is-weydaarsadeen Waxaana  si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada xilligii salaadda subax.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda hubeysan laga qabtay hub ay kala soo dageen xeebta magaalada Boosaaso, kadib markii xalay ciidamada ammaanka ay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay, hal qof ayaa dhintay, halka uu jiro dhaawac, Hubka kooxdaasi weli wuxuu gacanta ugu jiraa ciidamada dowladda.

Xaaladda magaalada ayaa haatan dagan, sida ay xaqiijiyaan wararka.

Dhanka kale Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*