January 16, 2026

Dab xoogan oo qabsaday Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee suuq bacaad

Dab xoogan ayaa caawa qabsaday qeybo ka mid ah Suuq bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare nafeed & mid maaliyadeed.

Dabka ayaa ka kacay qeybta maacuunta ee Suuq Bacaad wuxuuna ku fiday qeybaha ee la deriska ah qaarkood sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah lamana oga waxa sababay.

“Dabku waxaa uu qabsaday qeybta Maacuunta ee Suuqa kaasoo gebi ahaan ama intiisa badan basbeelay” ayuu yiri goob jooge ka mid ah dadkii halkaas u gurmaday.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka dab demiska oo halkaas gaaray iyo ganacsatada Suuqa ay la tacaalayaan deminta dabku qabsaday Suuqa.

Nin aabe ah ayaa ku ku baroonayey inuusan nolol iyo geeri ku heynin gabar yar oo uu dhalay taasoo loo malaynayo iney dabkaas ku baxday, gurmad xoog leh ayaana soconaya.

Xaalada Suuq bacaad ayaa haatan kacsan lamana oga weli tirakoobka hantida ku gubatay qeybaha basbeelay,

Suuq Bacaad ayaa ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa 30kii sano ee la soo dhaafay gubtay marar badan kuwaasoo geystay khasaarooyin malaayiin dollar gaaraya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*