January 16, 2026

Ciidankii Asluubta Oo Dagaalka Loo diray Iyo Dowlada Federalka Oo Xaalada Ku Xuntahay

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa fuliyay amarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhammaan Ciidamada Qaranka in la geeyo furimaha dagaalka Si looga Xureeyo dalka kooxda alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa galabta ciidankaan ka sagootiyey Magaalada Muqdisho, waxaana  ay u jiheysteen furimaha dagaalka.

Ciidanka Asluubta waxay ka shaqeeyaan ilaalinta xabsiyada iyo maxaabiista iyo shaqooyin kale oo fudud, balse hadda waxaa loo diray furimaha dagaalka, taas oo ka dhigan in dowladdu ay ciidankeeda isugu geysay furimaha dagaalka.

Taliyaha ayaa ciidamada intii aysan ka bixin Muqdisho kula dardaarmay in ay si dhab ah uga qeyb galaan dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

Ciidankaan ayaa loo diray Shabeellaha Hoose, halkaas oo Al-Shabaab ay culeys badan soo saareen, iyadoo Degmada  Awdheegle ay weli ku jirto gacanta cadowga.

Tobanaan gaadiidka waaweyn ah ayaa galabta ciidankaan ka qaaday Muqdisho, waxayna ku baxeen wadada Afgooye, berri ilaa caawa waxaa suurtagal ah in ay wajahaan Al-Shabaab oo ku sugan G/Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale Dagaalkii shalay ka bilowday Degmada Awdheegle ayaa weli  u socda si goos goos  ah  xaafadaha degmada Awdheegle, halkaas oo Al-Shabaab ay diideen in ay ka baxaan, iyagoo ka baqaya in la duqeeyo, hadii banaanka ay uga baxaan magaalada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo iyo diyaarado dagaal u dirtay Shabeellaha Hoose, kuwaas oo xalay u gudbay Jilib, kuna duqeeyey madaxdii Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in dhimasho iyo dhaawac badan uu gaaray, inkastoo weli ay socoto qiimeynta iyo isku dubba-ridka xogaha sirdoonka.

Dowladda ayaa diiday in Shabaab lagu dhex duqeeyo degmada Awdheegle oo ah magaalo dhisan oo bulsho badan ay ku nooshahay, si looga baaqsado khasaaraha shacabka.

Hoos ka daawo Taliye Shub oo ciidanka sagootinaya

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*