October 7, 2025

Ciidanka XS Iyo Ciidanka Deegaanka Oo Weerar Gaadmo ah Ku laayay Maleeshiyada AS

Wararkalaga Helayo  deegaanka Mabaax, oo hoos yimaada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in CXDS Iyo Ciidanka Deegaanka ay fuliyeen weerar culus oo qorsheysan oo ka dhan ah kooxo katirsan Khawaarijta, kuwaasoo is uruursanayay meel u dhow degmada Aadan-yabaal.

Weerarka lagu qaaday ayaa ahaa mi qorsheeysan waxaana uu sababay dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka u dhexeeya Mabaax iyo Aadan-yabaal.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa ku tilmaamay mid “guul weyn ah,” iyagoo xaqiijiyay in lagu dilay tiro badan oo kamid ah Khawaarijta, islamarkaana uu si buuxda u fashilmay qorshihii ay wateen.

Goobta dagaalka ayaa haatan ah mid ay yaallaan meydad fara badan oo Khawaarij ah, waxaana socda qiimeyn rasmi ah oo lagu ogaanayo khasaaraha dhabta ah ee la gaarsiiyay cadowga.

Ciidamada ayaa ayaa  xaqiijiyay in aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dhinacooda, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida ciidamada deegaanka ee howlgallada la dagaallanka Khawaarijta.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay howlgal ballaaran oo socda, loogana golleeyahay in lagu dabar-gooyo xubnaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dhexe ee dalka.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka ay si buuxda isaga kaashanayaan dagaalka argagixisada, ayna sii wadi doonaan howlgallada nadiifinta ah ilaa laga xaqiijinayo amniga deegaannadaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in aysan jirin wax wada xaajood ah oo lala geli doono kooxaha Khawaarijta, waxayna ammaan u jeedisay geesinimada ciidamada deegaanka ee sii xoojinaya dadaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah ee caqabad ku ah xasiloonida dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*