October 7, 2025

Ciidanka XDS Oo Howlgal Ku dilay Bashiir Axmed Dhuxul Duleedka Degmada Masajid Cali Gaduud

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed   ayaa si guul leh u fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ka dhacay bartamaha degmada iyo deegaanada ku dhow, ayaa lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen  Al shabaab.

Duqeymo cirka ah oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka iyo CXDS iyo howlgallo dhulka ah ayaa lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al shabaab.

Sidoo kale, waxaa la gubay saddex gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen gaadiid dagaal, halka midka kalena uu ahaa Ambalaas oo ay u adeegsanayeen ujeeddooyin kale sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka Danab.

“Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la qaarajiyay Bashiir Axmed Dhuxul, oo loo yaqaanay Bashiir Caadle, kaasoo ahaa Amiirka Dacwada ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Bashiir Caadle ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu firfircoon ee ka qeyb qaata abaabulka iyo faafinta fikirka xagjirka ah, waxaana dilkiisa uu dhirbaaxo culus ku yahay hoggaanka kooxda Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka Danab

“Ciidamada geesiyaasha ah ee Danab ayaa weerarka si xirfadaysan u fuliye, iyagoo bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayeen, kuna diyaarinayeen falal amni darro. Argagixisadii lagu beegsaday howlgalka ayaa ka cararay goobihii ay ku sugnaayeen, iyagoo halkaasi kaga tegay meydad  badan” ayaa lagu so xiray warka Danab ay soo saartay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*