
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Taliska Guutada 14-ka October iyo Ciidanka deegaanka, ayaa hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen duleedka Tuulada Laba-garas ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Halgalka ayaa la sheegay in uu jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhan ah Al-shabaab, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Nur Farey oo qeyb ka ah howlgallada ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale, Ciidanka Xoogga iyo kuwa Deegaanka ayaa la sheegay in ay guud ahaan burburiyeen goobo ay Al-shabaab gabbaad u ahaa duleedka Tuulada Laba-garas ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hawlgalladaan ay wada sameynayaan Ciidanka Xoogga iyo kuwa Deegaanka ayaa imaanaya xilli ay gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ka wadaan kuwa ka dhan Al-shabaab.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag