January 15, 2026

Ciidanka NISA Oo Howlgal Ku Dilay Mid Ka Mid ah Xubnaha Miino Gelista Alshabaab

Sida ay wararka sheegayaan Ciidanka  Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Waxaana ay ku dileen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa diyaarinta iyo aaska miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaas oo inta badan lagu beegsado ciidamada ammaanka iyo shacabka.

Sidoo kale Howlgalka ayaa lagu tilmaamay mid si gaar ah loo qorsheeyay, isla markaana lagu beegsaday xubno khatar ku ahaa amniga deegaannada ku dhow Afgooye.

Taliska NISA ma shaacin magaca ninka la dilay, mana faahfaahin khasaaraha kale ee ka dhashay howlgalka, balse waxay sheegtay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonto si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*