October 7, 2025

Ciidanka dowladda iyo kuwa Mareykanka oo duqeyn ka sameeyey degmada Aadan Yabaal

default

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xalay ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay howgal dhanka cirka ah ay ka sameeyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dagaal u dhaxeeyey dowladda iyo Al-Shabaab ka dhacay maalnimadii shalay.

Warsaxaafadeedka  ayaa lgu yiri “Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah. Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.”

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada isdaba joogga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamiga ah sida Mareykanka, si loo labo jibaaro gulufka ka dhanka ah cadowga Al-Shabaab. Sida lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyey, “Ciidamada Qaranka iyo howlgalka  AFRICOM waxa ay wali wadaan qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga. wixii faahfaahin dheeraad ah oo kasoo kordha howlgalada oo si xowli ah ku socda, waa idiin soo gudbin doonaa mar walba.”

Howlgalkaan ay wada jirka u sameeyeen ciidanka dowladda iyo kuwa Africom ayaa ku soo beegmaya ka dib dagaal aroornimadii hore shalay ka qarxay degmada Aadan Yabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaas oo sababay in ay Al-Shabaab dib u qabsadaan magaalada oo laga saaray laba sanno ka hor.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*