October 7, 2025

Ciidanka Dowladda iyo AlShabaab Oo ku dhexmaray duleedka magaalada Xudur

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Alshabaab oo ka dhacay deegaanka Abal oo hoos yimaada magaalada Xudur.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo howlgallo waday gaarigii ay la socdeen lala eegtay qarax miino oo sababay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan sideed askari ayaa ku geeriyooday weerarka, xilli 17 kale oo dhaawacantayna la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Xudur, sida ilo xog ogaal ah ay Mustaqbal Media u xaqiijiyeen.

Sidoo kale, waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey dhinaca AS, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Hase ahaate saraakiisha Militeriga Soomaaliya iyo maamulka degmada Xudur kama hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallada ka dhacay duleedka magaalada Xudur.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*