
Ciidamada Danab ayaa sidoo kale howlgalka ku dilay ilaalada gaarka ah ee horjoogaha, iyadoo ay saraakiisha ciidanku sheegeen in meydkiisa la soo bandhigay si shacabka deegaanka ay u arkaan natiijada hawlgallada amniga lagu sugayo.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka, Axmed Mascuud wuxuu Al shabaab u qaabilsanaa sameynta iyo aasidda qaraxyada miinooyinka ee lagu beero waddooyinka, kuwaasoo inta badan lala beegsado ciidamada dowladda iyo shacabka rayidka ah.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dagaalka joogtada ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Danab kula jiraan kooxda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag