October 7, 2025

Ciidamo Xoogan Oo Muqdisho Ka Baxay Xalay Kuna Sii jeeda Ceeldheer Galgaduud

Sida wararka lagu helayo ayaa sheegaya In Magaalada Muqdisho ay Xalay Ka Baxeen  Ciidamo Xoogan, iyagoona ku wajahan jiidaha hore ee deegaanada Galmudug.

Ciidamada ayaa isugu jira cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyaad u badan kuwo deegaan ahaan ka soo jeeda Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Ciidamadan ayaa la filayaa in ay gaaraan Degmada Ceeldheer, ka hor inta aanay ka hawlgalin goobaha uu qorshuhu yahay inay ka saaraan maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamadaan ayaa Ku Hubeeysaan gaadiidka dagaalka Iyo  hubka noocyadiisa kala duwan. Waxaana la socda Saraakiil Ciidan Iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Deegaanka Ceeldheer ee G/Galgaduud.

Dhanka kala Maalmihii Ugu Danbeeyay ayaa  Ciidankaan  laga abaabulayay Magaalada Muqdisho, si ay uga qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Ugu danbeeyntii Maamulada  Galmudug iyo HirShabelle  waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan, Kaasi oo ah in AlShabaab looga saaro dhulka ay ka haystaan Maamuladaasi.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*