October 7, 2025

Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Lagu eedeeyaya in Ay Qamriga Soo Geliyaan Magalada Garawe

Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul), ayaa shaaca ka qaaday in khamriga si sharci-darro ah lagu soo geliyo magaalada Garoowe, islamarkaana arrintaas ay ku lug leeyihiin ciidamo ka tirsan Puntland.

 Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile    Fardafuul oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri:

“Khamriga waxa soo galiya waa ciidamo, warkaasi waa xaqiiq. Waa ciidan dowladeed oo ka ganacsada, oo iibiya, oo qoryo sita. Laakiin maaha ciidanka Booliska. Intaasi in aan idin caddeeyo ayaan rabaa; waxa khamriga soo galiyaa waa ciidan ka tirsan Daraawiishta.”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo cabasho xoog leh laga muujinayo magaalada Garoowe, kadib markii bulshada qaar ay walaac ka muujiyeen faafitaanka khamriga iyo saameynta uu ku leeyahay dhalinyarada.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay taliska guud ee Daraawiishta Puntland ee ku aaddan eedeynta uu jeediyay Taliye ku xigeenka Booliska Nugaal.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*