October 7, 2025

Ciidamo Dheeraad Oo La Geeyay furimaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay G/Sh/ Dhexe oo maalmihii la soo dhaafay xubno ka tirsan AS dhaqdhaaqyo ka wadeen deegaannada gobolkaasi.

Goobaha ay dowladda Ciidamada dheeraadka ah geysay ayaa waxaa kamid ah furiimaha hore ee deegaanka Cadaan-laxeey iyo degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliiska Gaarka Haramcad ayaa kamid ah askarta ay dowladda geysay furimaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada ayaa billaabay howlgallo ay ku xaqiijinayaan Amniga guud ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyaga oo ka hortagaya dhaqdhaaqyada ay AS ka wadaan deegaannada ka tirsan gabolkaasi.

Sidoo kale, ciidamada ayaa waxaa wehliya askarta deegaanka ee loo yaqaan Macawiisley.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo  ayaa sheegay in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka soconaya gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*