October 7, 2025

Ciidamada Puntland Oo Soo Bandhigay Hub, rasaas iyo Drones laga qabsaday Daacish

Wararka Laga Helayo Maamulka Puntland ayaa sheegaya In Ciidamada maamulka Puntland, aya maanta gacanta ku dhigay soona bandhigay hub, rasaas iyo diyaarado yar yar oo drone ah oo ay lahaayeen kooxda Daacish, kuwaa oo isaga cararay goobo ay kaga sugnaayeen buuraha Calmiskaad.

Ciidamada Puntland, ayaa sidoo kale kala wareegey kooxda Daacish deegaannada Buurta Buurgaal, ceelka Dacar, ceelka Sadow iyo dhariinya garooba, kuwaas oo dhammaantood ku teedsan togga Baallade ee buuraha Calmiskaad.

Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland, ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada fuliyeen khasaaro badan lagu gaarsiiyay kooxda Daacish , sidoo kale laga saaray deegaanno badan oo kooxda saldhigyo ku lahaayeen.

Ciidamada Puntland, ayaa hadda isku diyaarinaya in ay bilaabaan howlgallo lagu soo afjarayo kooxda Daacish ee wali ku sugan qeybo kamid ah buuraha Calmiskaad , waxa ayna Daacish xilligan wajahayaan xaalad adag , iyaga oo la kulmaya weeraro cir iyo dhul ah.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*