January 16, 2026

Ciidamada Puntland Oo Laayay Rag Ka Tirsan Kooxda Daacish Oo ay Ku Jiran Ajaaniib

 

 

Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay xubno u badan Ajanabi ka tirsan Daacish ku dileen deegaanka Togga Miiraale ee gobolka Bari.

Xubnahan oo ka tirsanaa kooxda  Daacish ayaa weerar ku soo qaaday Saldhigyo ay Ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Togga Miraale, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warqad Bayaan ah oo  ka soo baxay Taliska Ciidamada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Daacish ayna ku jiraan Ajanabi.

Sidoo kale, Sawirro ay baahiyeen Taliska Ciidamada Puntland ayaa laga arkayaa meydadka xubnahan la dilay oo yaalla meel u dhaw saldhigga Togga Miiraale ee gobolka Bari.

Dhinaca kale, Ciidamada  Puntland ayaa sheegay in ay weli sii wadaan howlgallada ay ka sameynayaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Daacish.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*