
Wararka Laga helayo Degmada Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegaya in ay Ciidamada Dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaal xooggan oo u dhaxeeya labada dhinac uu ka ka dhacay gudaha Magaalada Masaajid Cali Gaduud iyo deegaannada hoos yimaada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale, waxaa jira duqeymo laga maqlay hareeraha deegaannada hoos yimaada magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Sidoo kale Dadka Deegaanka Ayaa Si wanagsan ula shaqeeyay Ciidanka Dowlada waxaana ay ka sifeeyeen dhamaan degmad Masaajid cali gaduud-
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag