
Wararka aan ka heleeyno Degmada Ceelbaraf ee G/SHDHEXE Ayaa sheegaya in ay ciidamada Xooga dalka somaliya iyo maleeshiyada Macaawiisleeyda Deegaanka ay dib ula wareegeen Deegaanadii shalay ay qabsadeen Kooxda Alshabaa.

Deegaanada ay qabsadeen ciidanka waxaa ka mid ah Degmooyinka Miirtwaqe, Caadleey ,Iyo Ceelbaraf sidoo kale ciidanka ayaa sheegay in ay ku daba jiraan alshabaab
Sidoo kale Ciidanka Xooga dalka iyo Macaawiisleeyda ayaa ka qudbeeyay Meel fagaaro ah waxaana ay shacabka u sheegeen in ay is dajiyaan xaalada amnigana ay gacanta ku hayaan ciidanka dowlada somaliya
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag