
Wararka laga helayo Deegaano ka Tirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka deegaanka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo milateri iyo abaabul ay ku doonayaan in ay dib u qabsadaan degmada Moqokori,

Dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ayaa bilaabay abaabul xooggan iyo gurmad dagaal, si ay mar kale gacanta ugu dhigaan degmada Moqokori, Waxaana saaka socda dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.
Dhanka kale Shalay dagaalkii ugu cuslaa ayaa ka dhacay degmada Moqokori, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen degmadaasi, kadibna ay la wareegeen degmadaaasi.
Labo sano iyo bar ka hor ayaa laga saaray Al-shabaab magaalada iyadoo ay gacanta u gashay ciidamada deegaanka oo gacan ka helaya ciidamada dowladda.
Degmada Moqokori ayaa ah meel isku xirta gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, iyo Galgaduud, taas oo ka dhigan mid muhiimadeeda dhanka isku socodka halbowle u ah gobolladaas.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali war ka soo saarin Qabasashada al-shabaab ee degamada Moqokori.
Dadka degan Bariga G/Hiiraan ayaa in muddo ah La dagaalamayay Maleeshiyada Alshabaab balse garab kama helin qabiilada kale ee deriska la ah waa nasiib daro in kaligood lagu fiirsado cadawga somaliyeed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag