October 7, 2025

Ciidamada Dowlada Iyo Ciidanka Deegaanka Oo la Wareegay Degmada Masaajid Cali Gaduud

Wararka ka imaanaya Degaano ka tirsan  Gobolka SH/Dhexe ayaa sheegaya inuu Dagaal culus uu ka dhacay   degmada Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada xoogga Dalka.

Sida ay wararku sheegayaan, dagaalka ayaa ku bilowday weerar ay ciidamada xooga dalka ee isugu jira Danab iyo Gorgor ku qaadeen degaanka Masaaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelada dhexe oo halkaasi ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Wararka laga helayo dadka degaanka iyo ciidamada degaanka ayaa sheegaya inay Ciidamada dowladda ay dib u qabsadeen degaanka muhiimka ah ee Degmada Masajid Cali-Gaduud, iyadoo dagaal looga saaray Alshabaab.

Dadka degaanka ayaa noo xaqiijiyay inay  Ciidamada xoogga dalka ee Danab iyo Gorgor ay gudaha u galeen, iyadoo dagaalkuna weli socdo.

Weerkan ayaa yimid, kadib  diyaar garow ay maalmahan wadeen ciidamada dowladda oo mar kale isu diyaariyay inay dib ula wareegaan degaanadii Alshabaab hore u qabsadeen.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidamada XDS, Daraawiishta Dowladda Hirshabeelle, iyo Ciidanka xaq-u dirirka ee dadka deegaanka ayaa si buuxdo ula wareegeen Degmada Masjid Cali Gaduud, isla markaana Alshabab lagu gaarsiiyay jab aad u culus.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay wadaan howlgallo  oo lagu nadiifinayo magaalada Masaajid Cali gaduud.

dhinaca kale Weerarka ay maanta ciidamada dowladda  qaadeen ayaa ka mid ah qorshaha dib-u-xoreynta guud ee gobolka Sh/Dhexe. Iyo Gobolada Dalka Somaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*