October 7, 2025

Ciidamada deegaanka Xarardheere Oo Weerar Qorsheeysan Ku Dilay Maleshiyo ka tirsan Al-shabaab

Wararka la helayo ayaa sheegaya In Ciidamada deegaanka ee degmada Xarardheere ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Jowle ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidamada ayaa waxaa ay dileen afar xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona iska horimaad uu dhexmaray ciidamada deegaanka iyo Maleeshiyaadka Al-shabab ee la weeraray.

Sidoo kale waxaa la burburiyay fariisimo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Jawle ee Gobolka Mudug

Guddoomiyaha degmada Casayr Ibraahim Mataan oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in howlgalka uu mid qorsheysan, islamarkaana xubnaha la dilay in ay dhibaato ku hayeen shacabka ku nool deegaanka Jawle iyo deegaanada kale ee hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Deegaanka Jawle ayaa 50 Km u jirta degmada Xarardheere gobolka Mudug, iyadoona ciidamada ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeya deegaanada hoostaga degmadaasi.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*