October 7, 2025

Ciidamada Booliska Puntland oo xiray nin hal goob ku kufsaday labo gabdhoo

Booliska Puntland, gaar ahaan Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, oo kaashnaya Qaybta Baarista Dembiyada (CID) ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Sharmaarke Xuseen Yuusuf, oo ah 31 jir ah, kuna dhashay Garoowe, kaasoo laguna eedeeyay inuu kufsi u geystay labo gabdhood oo danyar ah.

Falka kufsiga ayaa dhacay habeenkii 11-ka May 2025, abaare 4:00 habeenimo, agagaarka xaafadda Booray ee magaalada Garoowe.

Labada gabdhood ee dhibbanayaasha ah ayaa laga helay bannaanka xaafaddaas iyadoo lagu xadgudbay, waxaana markiiba bilaabay baaritaanno ay fuliyeen Qeybta Baarista Dembiyadda ee CID-da Gobolka Nugaal.

Eedaysane Sharmaake Xuseen Yuusuf, ina Ubax Cismaan Jaaji, ayaa lagu qabtay howlgal qorshaysan oo ka dhacay agagaarka dawladda hoose ee Garoowe, isagoo la socday gaarigii lagu tuhunsanaa in falku lagu fuliyay.
 sidoo kale waxaa la qabtay labo gaari oo la tuhunsan yahay iney qayb ka ahaayeen falkaas isla markaasina uu adeegsaday.

Sharmaarke ayaa haatan lagu hayaa saldhigga Galbeed ee magaalada Garoowe, halkaas oo baaritaanno dheeraad ah ay ka socdaan si loo helo dhammaan xogaha sharciga u baahan.

Dhanka kale Dulmiga ka jira somaliya ayaa ah mid aad u sii xoogeeysta ayadoon aan waxba laga qaban ayaa la qariyaa dulmigaasi waxaana dhici karta in ay kla dhacdo Caro ilaahay hadii aan waxba laga qaban dulmiga loo geeysanayo Muwaadiniinta Somaliyeed. meel kasta ay ka joogaan dhulka somaliyeed,

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*