
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku Soo dhigeen rag hubeysan oo qof shacab ah ku dilay gudaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolkaasi.

Labada qof oo la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Marxuum Cabdirashiid Xuseen Cabdiraxmaan oo kamid ahaa dhalinyarada magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaddib markii ay toogteen laba nin oo hubaysan.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Puntand ayaa lagu sheegay in ciidamada ay qabteen laba eedaysane oo loo haysto dilka marxuumkaasi, waxaana ay sheegeen in maxkamad la horgeyn doono.
“Ciiddanka Poliska mudug ayaa ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan 2 eedaysane kuwaas oo ka danbeeyay dilkii Marxuun C/rashiid Xuseen C/raxmaan oo Salaadii Maqrib ee Gaalkacyo lagu dilay.kuwaas oo xiligan kujira Gacanta Police ka Gobolka Mudug, waxaana si dhaqsaa loo horgayn doonaa Hay’adaha Garsoorka” ayuu sheegay Booliska gobolka Mudug.
Taliska Booliska Gobolka Mudug ma sheegin sababta ka dambeysay dilka iyo waxyaabaha keenay, hasayeeshee waxaa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen kooxdii ka dambeyssay dilka wiilka dhalinyarada ahaa.
Magaalada Gaalkacyo ayaa inta badan waxaa ka dhacaya dilalka qorsheysan ee la xiriira aanooyin qabiil, xili gobolka Mudug uu ka socdo dagaal u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag