October 27, 2025

Ciidamada Amniga ee Beledxaawo oo Gacanta Ku Dhigay Dhagarqabe Miinooyin Aasayay

Ciidamada ammaanka ee degmada Beledxaawo ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dhagarqabe qorsheynayay fal argagixiso oo halis gelin lahaa nolosha shacabka iyo ciidamada deegaanka, kadib howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen xilli habeenimo ah.

Ninkan, oo aan weli magaciisa la shaacin sababo la xiriira baaritaanka socda, ayaa lagu qabtay isagoo ku howlanaa aasidda labo xabo oo miinooyin ah, meel muhiim ah oo ay si joogto ah u isticmaalaan shacabka iyo gaadiidka ciidamada ammaanka.

Miinooyinkan ayaa la rumeysan yahay in lagu bartilmaameedsan lahaa gaadiidka ciidamada iyo dadweynaha deegaanka sida ay baahisay warbaahinta ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in dhagarqabaha lagu qabtay isagoo wato qalabkii uu u adeegsan lahaa aasitaanka miinooyinka, taasoo si cad u muujineysa in uu falka si buuxda ugu talo-galay. 

 sidoo kale Waxaa    la bilaabay baaritaan dhameystiran oo lagu ogaanayo haddii uu xiriir la leeyahay kooxo argagixiso ah ama shabakad kale oo gudaha ama dibadda uga timid.

Ciidamada ammaanka ayaa ku ammaanay shacabka degmada Beledxaawo sida ay uga war hayaan dhaq-dhaqaaqyada shisheeye ee halista ku ah deegaanka, waxaana ay ugu baaqeen inay sii laba jibaaraan feejignaanta ayna si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*