November 2, 2025

Cidamada Macaawiisleeyda Degmada Mahadaay Oo Madaxa Ka Soo Jaray Horjooge ka tirsanaa Al-shabaab iyo ilaaladiisa

Ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka ayaa weerar gaadmo ah oo lagu dilay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa ka fuliyay deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Ciidanka deegaanka ayaa weerarka ku dilay horjoogihii maleeshiyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada Ciid ciidka iyo Jeembilow oo dhaca duleedka degmada Mahadaay.

Sidoo kale Horjoogaha weerarka gaadmada ah lagu dilay isaga iyo ilaaladiisa ayaa magaciisa lagu sheegay Muxudiin Xasan, kaasoo la tilmaamay inuu dhibaato xoogan ku haayay dadka ku nool deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale  weerarka kusoo furtay laba qori oo ah nooca Soomaalidu u taqaano AK-47 iyo saanad ciidan oo ay wateen sarkaalka la dilay iyo maleeshiyaadka ilaalada u ahaa.

Saraakiisha ciidanka deegaanka ee weerarkan gaadmada ahaa fuliyay waxay sheegeen in weerarada noocaan oo kale ay sii wadi doonaan inta ay ka xureynayaan deegaanada ay gobolk Shabeellaha Dhexe kaga sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*