November 3, 2025

Burcad badeed Soomaali ah Oo isku Dayay in ay Markab Ganacsi afduubtaan Kaasi Oo marayay xeebaha Soomaaliya

Sida ay Warbaahinta Caalamka ay sheegayaan  In  cabsi  Xoogan ay ka jirto Xeebaha Somaliya  kaddib markii afar qof oo aan la aqoonsan isku dayeen inay fuulaan markab ganacsi oo ku sugnaa 534 kiiloomitir bari ka xigta magaalada Muqdisho, subaxnimadii Isniinta ee maanta.

Hay’adda Howlaha Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in kabtanka markabka uu ku war geliyay in burcad-badeeddu isku dayeen inay fuulaan doon yar, balse weerarka uu fashilmay markii lagu riday rasaas digniin ah.

Burcad badeedda ayaa dib ugu laabtay doon weyn oo ay wateen, taas oo lagu arkayay qiyaastii shan mayl bari ka xigta goobta uu ka dhacay isku dayga fashilmay.

Dhacdadan ayaa timid toddobaad kaddib markii mas’uuliyiintu kordhiyeen digniinta khatarta burcad-badeedda, kaddib markii la afduubtay doon yar, taas oo muujinaysa in khatarta burcad-badeedda Soomaaliya ay mar kale soo noolaanayso Badda Hindiya.

Dhinaca kale Mas’uuliyiintu waxay ku baaqeen in markab kasta oo ka shaqeeya Badda Hindiya uu taxaddar dheeri ah sameeyo, isla markaana la socdo digniinaha iyo warbixinaha amniga badda ee UKMTO iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*