
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shaaciyay in meel fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo lagu qabtay isku day sharci-darro ah oo lagu doonayay in dalka Soomaaliya lagu soo geliyo, Goobta lagu gubay daroogada ayaa ku taalla magaalada Muqdisho, iyadoo gubistu ay ku timid amar rasmi ah oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

“Waxaa maanta meel fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo la doonayay in si sharci darro ah dalka lagu soo geliyo. Waxaa gacanta ku dhigay ciidanka ammaanka, waxaana maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay in la gubo si looga hortago khatarteeda,” ayuu yiri Afhayeenka.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda in ay dalka soo geliso daroogo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in la adkeeyay la socodka amniga iyo kormeerka meelaha laga soo galo dalka, sida dekedaha, garoomada, iyo xuduudaha.
Booliska Soomaaliyeed ayaa horey ugu guuleystay in ay fashiliyaan dhowr isku day oo daroogo lagu soo gelin lahaa dalka, iyadoo tallaabadan maanta la qaaday ay mar kale muujineyso sida ay ciidamada ammaanku uga go’an tahay la dagaalanka dambiyada la xiriira maandooriyeyaasha iyo badbaadinta bulshada Soomaaliyeed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag