
Wararka ayaa sheegaya In Banaanbaxyo Xoogan uu ka bilaawday magaalooyin ka tirsan dalka Mareykanka Dadka Banaanbaxaya ayaa la sheegayaa in ay cambaareeyaan madaxweyne Trump,Waana mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee dalka oo dhan ka dhaca tan iyo markii uu madaxweynaha xilka qabtay bishii Janaayo 2025.

Hal-ku-dhigga mudaaharaadyada oo ah “Hands Off” ayaa waxaa uu qorshaha ahaa in la qabto isu soo baxyada 1,200 goobood, oo ay ku jiraan dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka.Hase ahaatee Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay Boston, Chicago, Los Angeles, New York iyo Washington DC, iyo magaalooyin kale.
Dibad-baxayaashu waxay soo xiganayeen cabashooyin ku saabsan ajendaha Trump sida arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa socotay hadal haynta iyi dhaleeceynta tallaabada Trump ee canshuuraha taas oo xitaa aad u saameysay dadka Mareykanka.
bbcsomali
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag