Golaha Wakiillada Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray qaraar rasmi ah oo ay si adag ugu cambaareeyeen faragelinta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso gobollada SSC, Gedo iyo Jubbaland, iyadoo laga digay khataraha ay leedahay siyaasadda kala-qaybinta bulshada iyo daandaansiga maamulka federaalka.

Qaraarka oo ka kooban 6 qodob ayaa diiradda saaray arrimo ay kamid yihiin:
1. Cambaarayn lagu qaaday faragelinta Federaalka ee SSC (Sanaag & Haylaan) taasoo lagu eedeeyay in ay sababtay Khalalaase iyo amni-darro.
2. Eedeyn lagu jeediyey dowladda federaalka oo lagu tilmaamay mid abuureysa kala-qaybin bulsho iyo hurin colaado siyaasadeed.
3. Dagaalka Gedo: Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku tilmaamay duullaanka federaalku ku qaaday Jubbaland mid sharci-darro ah, waxayna tacsi u direen dadkii ku waxyeeloobay.
4. Dhibaatooyinka joogtada ah ee argagixisadu ku hayso shacabka iyo ciidamada ku sugan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, iyadoo dowladda federaalkana lagu eedeeyay inay ku guuldarreysatay taageerada ciidamada.
5. Amaan loo jeediyey ciidamada Puntland iyo kuwa Hiiraan ee dagaalka adag kula jira argagixisada, gaar ahaan howlgallada ka socda Buuraha Calmiskaad.
6. Baaq loo diray ummadda Soomaaliyeed si loo ilaaliyo midnimada, loogana hortago kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada, iyadoo la iska kaashanayo ciribtirka argagixisada.


Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag