
Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xiray Axmed Nuur Maxamuud, oo ah askari boolis ah, kaasi oo lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u jir dilay haweeney Soomaaliyeed.

Falkan ayaa si weyn u kiciyay dareenka bulshada, iyadoo la is weydiinayo hab-dhaqanka ciidamada sharciga fulinaya.
Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay xarigga eedeysanaha, iyagoo sheegay in baaritaanno adag oo dhamaystiran ay socdaan si loo helo xaqiiqada dhabta ah ee dhacdada.
War-saxaafadeed ay soo saareen taliska ciidanka booliska ee qeybta Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in falalka noocan oo kale ah ay si cad uga hor imanayaan sharciga dalka iyo anshaxa ciidamada qalabka sida.
Waxaa intaas lagu daray in Axmed Nuur Maxamuud la horgeyn doono maxkamad awood u leh si loo helo caddaalad buuxda oo waafaqsan sharciga.
“Falkan wuxuu si toos ah u jabinayaa sharciga dalka iyo anshaxa ciidamada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka booliska.
Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay in aysan marnaba indhaha ka laaban doonin tacaddiyada ay geystaan xubno ka tirsan dowladda, Waxay xuseen in qof kasta oo lagu helo in uu awooddiisa si khaldan u adeegsaday ama uu ku xadgudbay dadweynaha uu la kulmi doono ciqaabta ku habboon, iyagoo carrabka ku adkeeyay in aan cidna ka sarreyn sharciga.
Sidoo kale, boolisku waxay shacabka u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo hirgelinta caddaaladda, Dhacdadan ayaa muujineysa caqabadaha ka jira laamaha fulinta sharciga iyo muhiimadda ay leedahay isla xisaabtan dhab ah si loo kasbado kalsoonida bulshada.
Inkastoo xarigga Axmed Nuur Maxamuud loo arko tilaabo hor leh oo loo qaaday dhinaca caddaaladda, haddana shacabka ayaa rumeysan in dowladdu ay u baahan tahay isbeddel ballaaran si loo helo boolis u adeega shacabka si daacadnimo iyo sinaan leh.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag