October 7, 2025

Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo nin Darawal ahaa ku dilay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  maanta ku dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho Darwal gaari  Magaciisa lagu sheegay Carab cali oo noociisu yahay kan Soomaalidu u taqaano (Leyla Calaawi).

Allah u naxariiste dilka marxuumka ayaa ka dhacay barkoontarool waxuuna ka dhashay sida la xaqiijiyay muran la xiriira lacag dheeraad ah uu askariga doonayay inuu ka qaado Darwalka gaariga ee la dilay marxuum Carab Cali.

Wadaha gaariga ee maanta lagu dilay degmada Kaaran ee magaalada Muqdisho ayaa ka shaqeysan jiray inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo gobolada Dhexe ee dalka.

Askariga gaystay dilka Darawalka ayaa si deg deg ah goobta uga baxsaday, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo bilaabay baaritaan lagu baadi goobayo askariga dilka geystay si gacanta loogu soo dhigo.

Dilka Darawalkan ayaa kusoo aadaya, iyado wadayaasha gaadiidka isaga kala guduba Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka ay cabasho xoogan ka muujinayaan askar ku labisan dareeska ciidanka dowladda Federaalka oo lacago baad ah ka qaada, islamarkaana mararka qaar ugu sii dara dhibaatooyin ay ka mid yihiin jirdil iyo toogasho.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*