
Safaaradda Sweden ee Soomaaliya ayaa mas’uuliyinteedi ugu baaqday kulan degdeg ah, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in heshiis qarsoodi ah ay wada galeen dowladda Sweden iyo dowladda Soomaaliya, kaasoo dhigaya in dadka Soomaalida si khasab ah looga masaafurinayo Sweden laguna soo celiyo Soomaaliya, taa beddelkeedna ay Soomaaliya heli doonto gargaar dhaqaale.

Warbixin ay baahisay idaacadda Ekot ayaa sheegaysa in dhaqaalaha la wareejinayo uu gaarsiisan yahay 100 milyan oo karoon, taasoo lagu shubi doono sanduuq hoos taga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Arrintan ayaa dhalisay dhaleeceyn siyaasadeed oo xooggan oo gudaha Sweden ah.
Xisbiga shaqaalaha ee Socialdemokraterna ayaa si adag u cambaareeyey heshiiska, iyadoo afhayeenkooda siyaasadda arrimaha dibadda, Morgan Johansson, uu yiri “Waa mas’uuliyad-darro in lacag intaa le’eg lagu wareejiyo sanduuqyo lala xiriiriyo madaxda ugu sarreysa ee dalka Soomaaliya, iyadoo aan la eegayn heerka musuqmaasuqa ee halkaas ka jira.”
Johansson ayaa dalbaday in Wasiirka iskaashiga horumarinta, Benjamin Dousa, uu horyimaado Guddiga Arrimaha Dibadda si uu faahfaahin uga bixiyo heshiiskan.
Sidoo kale, xisbiga dhexe (Centerpartiet) iyo xisbiga deegaanka (Miljöpartiet) ayaa si adag u cambaareeyey warbixinta, iyagoo ku tilmaamay “musuq iyo marin habaabin siyaasadeed.”
Wasiir Benjamin Dousa, oo ka tirsan xisbiga Moderaterna, ayaa difaacay heshiiska, isagoo sheegay in wadahadallada lala yeesho waddamada saddexaad ay yihiin “arrin caadi ah” si loo fududeeyo dib u celinta dadka la masaafuriyo.
Wuxuu yiri “Dad badan oo reer Sweden ah waxay u arkaan in ay caddaalad tahay in la tarxiilo dadka dambiyada ku kacay ee aan xaq u lahayn inay halkan sii joogaan.” Isagoo intaa ku daray “Waa la aqbali karaa in gargaar dhaqaale loo adeegsado sidii waddamada looga dhaadhicin lahaa inay qaataan muwaadiniintooda.”
Baarlamaanka Sweden ayaa laga sugayaa inuu go’aan cad ka gaaro arrintan, Waxaa jira baaqyo la xiriira baaritaan madax bannaan iyo xisaabtan dhab ah haddii la helo caddeyn ah in lacagaha gargaarka loo adeegsaday ujeeddooyin shaki leh.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag