October 7, 2025

Alshabaab Oo Shalay Lagu Casuumay Ceelbaraf Iyo Shacabkii oo lagu qasbayo in ay soo laabtaan

Wararka aan ka heleeyno Degmada Ceelbaraf ayaa sheegaya in maalintii shalay uu kulan dhex maray Kooda alshabaab Iyo Odayaal Taageero u ah  kulankaasi ayaa ahaa mid lagu kala qaadanayay Xogta magaalada Iyo shacabka sidii ay ugu soo laaban lahaayeen Magaalada Ceelbaraf Maadaama ay ka qaxeen shacabkii deganaa.

Sidoo kale Maalintii shalay aheeyd waxaa loo sameeyay Casuumaad waxaana loo qalay Labo neef oo geel ah .  waa arin ay la yaabeen dadka ka soo horjeeda Fakirka alshabaab.

Maxaa lagu heshiiyay Kulankii ka dib:

Kooxda Alshaab iyo Odayalka taageersan ayaa isku afgartay in dhawaan la bilaabo Zakawaatkii laga qaadi jiray Xowlaha Nool , Beeraha, Iyo Ganacsiga kala duwan sida Dukaamada Gaadiidka .

 

Dhanka kale Kooxda alshabaab ayaa isla maalintii shalay gaaray  Deegaanka Uruwaa ee hoostaga Degmada Ceelbaraf waxaana ay kulan la qaateen shacabkii deganaa ayagoo u  sheegay in la bilaabi doono zakawaatikii .

Hase ahaatee shacabkii deganaa uruwaa ayaa ku yiri dad idin soo qaada keena anaga ma heeyo dad idin la shaqeeyo. Halka Odayaalkii Deganaa Ceelbaraf ay Balan qaadeen in ay la shaqeeyn doonaan alshabaab.

Dowlada Federalka Somaliya Maxaa kaga Qorsheeysan Ceelbaraf Iyo Dhamaan Deeganada ay alshabaab La wareegeen. ?

Waxaa jira odayaal si hoose ula shaqeeya alshabaab waxaana looga baahan yahay dowlada federalka  in ay talaabo xoogan  ka qaado 

Si kastaba ha ahaatee Kooxda alshabaab ayaa lagu yaqaanay in ay shacabka Furtan balse waxaa muuqata in ay markaan ay laba jibaari doonaan zakawaatka hadii ay ku negaadaan Deegaanada Dhaca G/SH/DHEXE. waana in dowlada Federalka somaliya ka hortagtaa in aysan ku xoogeeysan Deegaanada G/SH/DHEXE  Iyo Guud ahaan Somaliya.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*