October 7, 2025

Al-shabaab saaka ay ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee G/Sh/Dhexe.

Wararka Laga Helayo Deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada  Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku yaalla bariga gobolkaas.

Weerarka oo la sheegay inuu ku billowday saaka aroortii hore Waxaase lagu soo warramayaa in uu ku furmay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, taasoo kaddib keentay in uu dhaco  dagaal fool ka fool ah  .

Wararka horudhaca ah ayaa intaa ku daraya in kooxda weerarka qaaday ay la wareegeen qeybo ka mid ah deegaanka War-gaadhi, gaar ahaan agagaarka ceelka Ceel-ciid. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dagaalka ayaa ah mid aad u culus, iyadoo labada dhinac ay weli is weydaarsanayaan rasaas culus.

Dhanka kale Saraakiisha dowladda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarka, iyadoo aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalka ilaa iyo hadda.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*