October 7, 2025

Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday kula wareegay Degmada Masaajid Cali Gaduud

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo dagaal kadib gudaha u galay deegaankaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay ku beegsaday saldhigyo ciidamada huwanta ay ku lahaayeen halkaas, waxayna ka weerareen dhowr jiho, ayada oo kadib sidaas uu ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka qaraxyada iyo dagaalka xigay ay ka dhasheen khasaare xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen deegaanka, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee saaka lagu weeraray deegaankaasi oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka socday abaabul xooggan.

Qoraal ay baahisay kooxda waxa ay ku sheegtay in dagaalyahannadooda ay weerareen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, ayna gudaha u galeen, welina uu socda howlgalka.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay HirShabelle oo lagu magacaabo Daa’uud Xaaji Cirro ayaa xaqiijiyay in laga baxay magaalada, balse waxa uu wacad ku maray in caawa aysan ku hoyan doonin Khawaarijta oo dib looga soo saari doono

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*