October 7, 2025

Al Shabaab Oo weerar ku Soo qaaday fariisin ciidan Balse lagu jabiyay

Wararka ayaa sheegaya In Kooxda Al Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen  fariisimo ay ciidanka dowladda iyo macawiisley ay ku sugnaayeen, waxaana weerarkan la sheegay in si weyn loogu jabiyay kooxda Al Shabaab.

Weerarka Al Shabaab ayaa  ku bilowday qaraxyo  saakay aroortii hore ku soo qaadeen deegaan lagu magacaabo Cadow Gurey oo hoostaga degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan,

Sida la sheegayo deegaankan la weeraray Waxaa uu u  dhaw yahay deegaanka loo yaqaan Beero Yabaal.

dhanka kale Goobta Al Shabaab weerareen ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, ciidamo ka socday Galmudug iyo ciidanka macawiisleyda, waxaana halkaasi shalay tagay Taliyaha NISA , Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale.

Dhanka kale Dagaalka ayaa socday ku dhawaad 3-saacadood waxaana saraakiisha ciidanka ee halkaasi ku sugan sheegeen in ay jabiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday ayna ka dileen xubno badan.

Ugy danbeeyntii  Goobahii la soo   weeraray ayaa la sheegay in ay  hadda ku sugan yihiin  ciidanka dowladda iyo kuwa kale  ee deegaanka, waxa ayna ciidamada sii baacsanayaan firxadka kooxdii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday waana la soo afjarayaa dhawaan inshalaah

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*