October 7, 2025

Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Xero Ciidan Oo Ku Taala Duleedka Magaalada Baydhabo

Wararka Naga Soo Gaaraya  duleedka magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu weli ka socdo halkaasi kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Koofur Galbeed.

Goobjoogayaal ku sugan  deegaanka ayaa sheegay in la isku adeegsanayo hub culus iyo mid fudud, iyadoo la maqlayo jugta madaafiic iyo rasaas goos-goos ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac, waxaana la sheegay in uu socdo weli, inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo bishii April 17-keedii ay kooxda Al-Shabaab sidan oo kale weerar ugu qaadday isla fariisinkan, balse markaas lagu fashiliyay weerarkooda.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda ayaa haatan la sheegay inay iska caabin xooggan ku wadaan weerarka, iyadoo xaaladda ay weli tahay mid cakiran.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*