
Wararka ayaa sheegaya in Dagaal Xooggan uu saaka ka Dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ku bilowday kadib markii ka tirsan Al-Shabaab ay weerarreen saldhigyo ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay maqlayaan dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ay dhinacyada isku waydaarsanayaan, waxana dagaalka uu ka socdaa Buundada degmada.
Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah.
Weerarrada Al-Shabaab ayaa ku soo laalaabbtay deegaanka degmada tan iyo markii iyaga laga saaray dhawr sano kahor.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag