
Ciidamada ammaanka ee magaalada Baydhabo ayaa soo bandhigay Afar Xubnood oo katirsanaa Al shabaab, kuwaasi oo la sheegay in ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Xubnahaan ka tirsanaa Kooxda Al shabaab ayaa waxaa ay Booliska u sheegeen in ay Al-shabaab ka soo raaceen Degaano ka tirsan Gobolada Bay, Bakool iyo Jubooyinka,
Sida ay sheegeen ragaani waxaan Goob joog u ahaayeen Dagaalo lagu naafeeyay saaxiibadooda ee ku jiray Al shabaab oo ka kala Dhacay Gobolada Bay, Bakool iyo Buulo Xaaji oo katirsan Jubbaland, sida iyagu ay sheegeen.
Afarta Xubnood ayaa dhammaantooda ay Koonfur Galbeed soo bandhigtay waxaa ay shaaca ka qaaday in muddo ay ku taamayeen sidii ay naftooda ugala soo baxsan lahaayeen Kooxa Al shabaab balse ay ku adkaatay fursadaasi.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag