
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa gobolka Shabeellaha dhexe ka wada abaabul iyo diyaargarow balaaran oo ay ugu jiraan sidii maleeshiyaadka Al-shabaab ugu xureyn lahayeen deegaanada iyo degmooyinka gobolkaas.

Deegaanka Xaaji Cali oo ka tirsan degmada cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe waxaa Shalay gaaray wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin, kuwaas oo ujeedka safarkoodu yahay dardar gelin abaabulka iyo guluf dagaal ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Wasiir Fiqi iyo masuuliyiinta kale ee gaaray deegaanka Xaaji Cali ayaa bulshada deegaanka iyo ciidamada ku boorriyay inay si wadajir ah uga qeyb qaataan howlgalka cusub ee kooxda looga xureynayo goobaha ay kaga sugan yihiin Shabeellaha dhexe.
Ugu dambeyntii gobolka Shabeellaha dhexe ayaa horey uga mid ahaa gobolladii lagu jabiyay Al-shabaab intii uu socday wajigii koowaad ee dagaalka, hayeeshe kooxda ayaa wali ku sugan deegaano badan oo ka tirsan gobolkaas, taasoo sababtay in dowladda federaalku ku dhawaaqdo wajiga cusub ee dagaalka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag