October 7, 2025

Maxay Ka Wada Hadleen James Swan Iyo Madaxweeyne Deni ?

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Boosaaso

Mr Swan ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni yo xubno ka tirsan golihiisa  oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin guulihii ay ciidamada Puntland dhowaan ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Daacish

 sidoo kale waxa ay ka wadahadleen taageerada Qaramada Midoobay ee ku aaddan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha bini’aadantinimo ee degdegga ah ee kumanaan qof oo barakacayaal ah iyo caawinta dadaallada xasilinta ee deegaannada la xoreeyey.

Dhan kale waxa ay ka hadleen  xiriirka u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka ah  Soomaaliya, Mr Swan ayaa xusay inay dani ugu jirto dhammaan ummadda Soomaaliyeed in madaxdoodu ay ku heshiiyaan ujeedooyinka guud ee qaranka, isla markaana ay si wada jir ah isku kaashadaan, oo khilaaf kasta oo jira lagu dhammeeyo si nabad ah, oo dan u ah dadaallada nabadda iyo dhismaha dowladnimo ee muddada dheer.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*