Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay qaraar cusub oo ay u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu doonayo in lagu qaado cunaqabatayntii saarneyd Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharaa, kaas oo lagu wado inuu toddobaadkan booqdo Aqalka Cad si uu ula kulmo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Qaraarkan oo ay heshay wakaaladda Reuters, ayaa sidoo kale ku talinaya in laga qaado cunaqabataynta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Suuriya, Anas Khattab.
Inkasta oo aan la cayimin goorta la coddeyn doono, haddana si uu u dhaqan galo qaraarkani wuxuu u baahan yahay ugu yaraan sagaal cod oo oggolaansho ah iyo in aysan diidin midkoodna dalalka leh xuquuqda diidmada qayaxan (veto) ee kala ah Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Britain.
Maraykanka ayaa bilihii la soo dhaafay ku cadaadinayay Golaha Amaanka in la dabciso ama la qaado cunaqabataynta saaran Suuriya, si loo fududeeyo wada-hadallo siyaasadeed iyo xiriir diblomaasiyadeed oo cusub oo lagu dhisayo nabadda dalkaas.
Isbeddelkan ayaa imaanaya kadib 13 sano oo dagaal sokeeye ah, waxaana bishii December ee sanadkii hore xilka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu iska difaaco weerar degdeg ah oo ay fuliyeen xoogagga mucaaradka ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Axmed Al-Sharaa.
Madaxweynaha cusub Axmed Al-Sharaa iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda Anas Khattab ayaa labaduba ka mid ahaa shaqsiyaadkaas la cunaqabateeyay, hase yeeshee sanadkan guddiga cunaqabataynta ee Qaramada Midoobay ayaa si joogto ah u siiyay rukhsado safar oo u sahlayay Al-Sharaa inuu safarro dibadeed sameeyo, taas oo ka dhigan in xitaa haddii qaraarka cusub aan la ansixin ka hor Isniinta, uu si sharci ah u booqan karo Washington.
Bishii May ee sanadkan, Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, isagoo sheegay inuu qaadi doono cunaqabatayntii uu dalkiisu saaray Suuriya, taas oo calaamad u noqotay isbeddel ballaaran oo ku wajahan xiriirka Washington iyo Dimishiq.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag