November 30, 2025

Lataliyaha Madaxweyne Xasan Oo Yiri Maamulada Puntland Iyo Jubbaland waa lagu Casuumay Shirka Nabada”

 La-taliyaha arrimaha dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud  ayaa ka warbixiyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ee looga arrinsanayo xaaladda dalka, isaga oo sheegay inay ka qeyb galayaan maamullada Jubbaland iyo Puntland .

Mr Xuseen Sheekh Maxamuud   ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in haatan uu socdo diyaar-garowga shirka, isla markaana Villa Soomaaliya ay waddo wada-tashiyo la xiriira gogosha uu fidiyay madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu khadka taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore ee dalka, isaga oo kala hadlay arrinta gogosha iyo sidii ay uga qeyb gali lahaayeen.

“Madaxweynuhu wuxuu khadka taleefanka kula hadlay madax hore, waxaana soconaya diyaar-garowga qabashada gogosha. Wuxuu sidoo kale la kulmayaa qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada sida Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle,” ayuu yiri La-taliye Xuseen Sheekh.

Sidoo kale Wuxuu intaas ku daray in shirka si rasmi ah loogu casuumay Jubbaland iyo Puntland, isla markaana ay maamulladaasi ka mid noqon doonaan shirka.

“Shirka iyo gogosha wada-hadalka waxaa lagu casuumay hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Ma rabo inaan ka hadlo shaqsiyaad, balse si maamul ahaan ah shirkaas way ka qeyb galayaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay La-taliye Xuseen Sheekh.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Jubbaland iyo Puntland isku khilaafeen ka qeyb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo labada maamul ay si kala duwan uga falceliyeen tallaabada uu qaaday Madaxweeyne Xasan Sheekh.

Maamulka Jubbaland ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka Madaxweynaha, waxaana Axmed Madoobe, oo dhawaan hadlay, uu sheegay inuu ku farxay baaqa nabadeed ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu bogaadiyay gogosha la dhigay.

Madaxweeyne Axmed Madoobe wuxuu usay in wada-hadalku yahay fursad dahabi ah oo lagu xallin karo caqabadaha hor taagan horumarka dalka, si looga gudbo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Puntland ayaa soo saartay war ka duwan kan Maamulka Jubbaland, waxaana Wasiirka Warfaafinta ee maamulkaasi uu sheegay in aysan diyaar u ahayn ka qeyb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku sababeeyay inay ku jiraan xaalad dagaal.

“Madaxweeyne Xasan wuxuu dadka u sheegaa in uu isu keeni karo, sida ay Beesha Caalamku uga dalbatay. Laakiin Madaxweeyne  Deni waqtigiisa kuma lumin karo inuu Xasan hor fadhiisto, waayo rasaas iyo tuute ayuu qeybinayaa, waana abaanduulaha dagaalka Daacish,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Si kastaba ha ahaatee  lama sheegi karo Maamlinta  uu dhicayo shirka, Iyo halka lagu qaban doono, iyo cidda si rasmi ah uga qeyb-geli doonta, iyadoo indhaha lagu wada hayo .

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*